MUQDISHO(HALBEEG)-Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Covid-19 ku sheegtay in Feyruska ay ka bogsadeen 10 qof oo cusub 24kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsaday ka dhigeysa 6,995.

Wasiir Fowziya ayaa sidoo kale sheegtay in la diiwaangeliyay 3 xaaladood oo cusub kuwaas oo laga helay deegaannada Soomaalilaan, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaangeliyay ka dhigeysa 14,779.

Bukaannada cusub 2 ka mid ah waa lab halka kalena yahay dheddig, 1 bukaan ayaa isagana u geeriyooday xanuunka, waxaana tirada guud dadka u geeriyooday cudurka ay gaareysaa 774 qof.

Wasiirka ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee hay’adaha ku shaqada leh la tacaalidda Covid-19 una hoggaansamaan wacyigelinta ku aaddan halista xanuunkan.

Wasiirka waxay dadka waaweyn iyo kuwa qaba xanuunnada aan laga bogsan ugu baaqday in ay qaataan tallaalka xanuunka lagaga hortago maadaama ay ka nugul yihiin dadka kale.

The post Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Covid-19 appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US