MUQDISHO (HALBEEG) – Wasaaradda Caafimaadka iyo dayeelka Qoyska Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay 44 kiis oo COVID-19 ah oo laga helay dalka.

Kiisaskan cusub ayey Wasaaraddu ku sheegtay in ay ahaayeen kuwo baaristoodu socotay labadii toddbaad ee aan soo dhaafnay.

Tirada labaaray ayaa lagu sheegay in ay ahayd 2,432 qof waxaana laga helay 44 qof.

Dhammaan kiisaskan ayaa laga diiwan geliyay deegaanada maamulka Soomaalilaan, sida ay sheegtay Wasaraaddu.

Tirada guud Soomaaliya ee COVID-19 ayaa hadda gaartay 3,941 kiis, sida lagu sheegay qoraalka Waaaradda.


Post Views:
27

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US