WASHINGTON (HALBEEG)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Feysal Bin Farxaan ayaa si maldahan u tilmaamay suurtagalnimada in xal laga gaaro khilaafka saddex sano jirsaday ee dalkiisa kala dhexeeya dalka Qadar kadib kulan uu magaalada Washington kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo.
Sanadkii 2017-kii Sucuudi Carabiya oo ay wehlinayaan dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed iyo midkii ganacsiba u jaray dalka shidaalka hodanka ku ah ee Qadar iyaga oo ku soo rogay cunaqabateyn dhanka cirka, badda iyo dhulka ah.
“Waxaa inaga go’an inaynu xalka helno, waxaan sii wadeynaa u diyaar garowga la shaqeynta walaalaheenna Qadar, waxaana rajeynayaa in iyaguna si dhab uga go’an tahay” ayuu yiri Feysal Bin Farxaan oo ka hadlay doodwadaag uu soo qabanqaabiyay Machadka dhanka daraasadda ah oo ku yaalla Washington.
Wasiir Feysal Bin Farxaan ayaa intaas ku daray in ay muhiim tahay in xal loo helo cabsida dhanka amniga ah ee ay qabaan xulufada afargeesoodka ah.
“Hadii aynu helno dhabbo looga gudbayo cabsida dhanka amniga ee nagu riixday qaadashada aynu qaadanay, waxaan filayaa in ay taasi war wanaagsan u noqon doonto gobolka oo dhan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Feysan Bin Farxaan.
Afarta Wadan ee xayiraadda saaray Qadar ayaa ku eedeeyay in ay taageerto “Argagaxisada” sidoo kalena ay xiriir dhow la leedahay dalka ay afartaasi dal xifaaltamaan ee Iiraan. Dowladda Qadar ayaa si adag u beenisay eedeyntaasi.


Post Views:
39

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US