Donny van de Beek waxa uu sameeyay khalad in uu Man United kaga soo biiro kooxda Ajax.

Waxa sidaas aaminsan Patrice Evra & Marco van Basten Inkasta oo uu Ole Gunnar Solskjaer ku adkaysanayo in uu 23 jirku ka mid yahay qorshihiisa waliba ciyaari doona kulamo xilli ciyaareeedkan.

Khabiiro Badan ayaa la yaabay markii ay Man United 40 milyan ka soo bixisay Xiddiga khadka dhexe inkasta oo ay kooxdu haystay xiddigaha Bruno Fernandes, Paul Pogba & Fred iyo kuwo kale.

Arintaas ayay cadayn u noqotay in uuna Van de Beek wali ku bilaaban kulan horyaalka premier League ah inkasta oo uu gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee Crystal Palace.

Daily Star Sport ayaa isku soo uruuriyay wax walba oo laga yidhi xiddiga reer Holland tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Ole Gunnar Solskjaer:

“Dabcan, waa tartan boosas, waxay siineysaa waqti uu kula qabsado oo uu ula qabsado asxaabtiisa cusub iyo horyaal cusub,” ayuu yiri tababaraha United horaantii bisha.

“Run ahaantii waa xiddig fiican waa xiddig sare, qof fiican oo si adag u shaqeeya laakiin sidoo kale si aad ah u doonaya in uu ciyaaro”.

“Waxa uu noqon doonaa xilli ciyaareed aad u dheer tababarkiisana waan la dhacay”.

Marco van Basten

Halyeeyga reer Holland van Basten ayaa usheegay Ziggo isbuucaan: “Donny ma aheyn inuu aado Manchester United.

“Marka aad tahay xiddig fiican waxa aad doonaysaa in aad ciyaarto todobaad kasta, Runtii waa wax xun in xiddig Donny oo kale ah uu 6 kulan ciyaaro sanadkan”.

“Donny waxay ahayd inuu sugo daalb uga yimaada kooxo kale”.

Patrice Evra

Evra ayaa u sheegay Sky Sports Sabtidii: “Waxaan ka hadlaynaa Van de Beek, waxba kuma haysto wiilkan laakiin maxaan u soo iibsanay”.

“Waxa uu ciyaarta ka daawanayaa tababarabuunka Kulan kasta, uma baahnin isaga taas ayaana runta ah”.

Gary Neville:

“Gary Neville ayaa raaciyay: “Uma muuqdo inuu safka hore kaga jiro qorshayaasha Solskjaer waa wax la yaab leh”.

“Mar walba oo uuna ku bilaaban, mar walba oo uuna xitaa badal ku soo galin waa mar walba oo aad ka fikiraysay xiddig ay 40 milyan ku keeneen kooxda”.

“Waxa laga yaabaa in uu ka fikirayo waa maxay sababta aan halkna u joogo”.

Danny Blind

Tababaraha Netherlands Danny Blind ayaa yiri: “Maxaa loola soo saxiixday (van de Beek)?.

“Waxaan dhageystay shirkii jaraa’id ee Solskjaer (jimcihii), umana haynin wax aan amaan ka ahayn Donny”.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US