Xiddiga kooxda Liverpool ee James Milner ayaa waraysi siiyay Tv-ga Liverpool isaga oo ka hadlay kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Man United kana tirsan tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Liverpool ayaa kulan adag Old Trafford kula ciyaari doonta kooxda Man United kulan ka tirsan wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

James Milner oo arintaas ka hadlaya aya yidhi”Si fiican ayaan u garanaynaa Man United kulankii hore ee aan la ciyaarnay waxana jiray waxyaabo aan ku fiicnayn iyo waxyaabo aanan ku fiicnayn waxana aan doonaynaa in aan ku soo laabano qaab ciyaareedkeena”.

“Kulanka aan la ciyaarayno Man United ayaa mar walba Liverpool u ah mid khaas ah xilli ciyaareed walbana dadku waxa ay sugaan kulanka Man United iyo Liverpool”.

“Marka la eego in aan ahay taageere Leed United ah waxa aan ku dhashay kuna koray Nacaybka Man United”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US