(Paris) 18 Luulyo 2021. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Leandro Paredes ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin ee Lionel Messi uu sii joogi doono Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, kaddib markii ay jirtay rajo laga qabay inuu u dhaqaaqi doono garoonka Le Parc des Princes xagaagan.

Lionel Messi ayaana go’aansaday inuu cusbooneysiiyo qandaraaska uu kula joogo Barcelona, sida ay shaaciyeen warbaahinta gudaha dalka Spain, sidoo kale wuxuu diyaar u yahay inuu dhimo kala bar mushaarkiisa, maadaama kooxda ay dhibtooneyso dhaqaale xumo ka dhalatay caabuqa Korona Fayras.

Bilihii la soo dhaafay, Lionel Messi ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain xagaagan, taasoo ka farxisay ciyaartoyda kooxda PSG, laakiin heshiiska ayaa ugu dambeyn la dhameystirin.

Haddaba xiddiga reer Argantina ee Leandro Paredes oo ka hadlayay mustaqbalka Lionel Messi ayaa wuxuu yiri:

“Hadal badan ayaa ka jiray kooxda markii la ogaaday in Leo uu imaan karo Paris, waxay nala ahayd riyo anaga ahaan inuu nala joogayo xilli ciyaareedka soo socda, laakiin hadda ma dhici doonto, waxaan rajeynayaa inuu jecel yahay meesha uu ka ciyaarayo.”

Waxaa xusid mudan in Leandro Paredes uu kaga garab ciyaaray Lionel Messi tartankii ugu dambeeyay ee Copa America, waxayna si wada jir ah uga qeyb qaateen in loo caleemo saaro xulka qarankooda oo muddo 28 sano ah aan koobkan ku guuleysan.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US