(London) 17 Sebt 2021. Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in mustaqbalka Gunners uu yahay mid ifaya oo wanaagsan, inkastoo kooxda ay ku bilaabatay si xun xilli ciyaareedka.

Kooxda Arsenal ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub musiibo iyadoo laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ay ka ciyaartay Premier League, taasoo ka dhigtay inay fadhiso kaalinta 16-aad.

Naadiga reer London ee Arsenal ayaa ilaa iyo haatan kaliya ku guuleysatay inay dhaliso hal gool intii lagu jiray afartan kulan, waxaana laga dhaliyay sagaal gool.

Haddaba Mikel Arteta oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka sabtida ay la ciyaari doonaan kooxda Burnley, wuxuuna ka hadlay mustaqbalka Gunners, isaga oo yiri:

“Runtii waan arki karaa iftiinka.”

“Waxaan idiin sheegayaa inaan aad u fiicanahay inta badan, waxaan arkay iftiinka, waan arki karaa nalalka ifaya.”

“Waxaa jiri kara caqabado ku hor gudban iftiinkaan, laakiin waxaan arki karaa iftiin badan.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Arsenal aysan ka qeyb qaadaneynin tartan kasta oo Yurub ah xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US