Halyeeyga kooxda Man United ee Wayne Rooney ayaa sheegay in ay Everton doonaysay in ay ka iibiso Chelsea halkii ay ka iibin lahayd Man United xagaagii 2014 sabab la xidhiidha in ay Chelsea ka lacag badnayd dhanka dalabka.

Rooney ayaa isaga oo 18 jir ah ku biiray Man United xagaagaii 2004 kadib markii ay United dlaba 27 milyan ah ka gudbisay xiddiga.

Laakiin sheekada ayaa ka duwanaan lahayd sidii ay u dhacday Hadii Everton heli lahayd sidii ay doonaysay.

Jose Mourinho ayaa doonayay saxiixa Rooney markii uu tababaraha u noqday kooxda iyada oo uu doonayay in uu ka dhigo saxiixyadiisa ugu qaalisan kooxda wakhtigaas.

Rooney oo la hadlaya ayaa yidhi”Waan ogaa in aan ku biirayo Man United waxa uu ahaa dookhayga xitaa ka hor tartankii Euro 2004″.

“Waan Ogaa in ay Man United doonaysay saxiixayga waxana aan ku jiray qaab ciyaareed fiican”.

“Everton waxa ay ku jirtay dhaqaale xmo sidaas darteed waxa ay dhagaysaneen dalabyada kooxaha kale waxana ay igu riixeen in aan ku biiro chelsea sabab la xidhiidha in ay ka dalab fiicnaayeen Man United”.

“Laakiin markii aan ogaaday in ay United i doonayso waxa aan doonayay in aan ku biiro kooxdaas kaliya”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US