WHO oo Tanzania Ku Boorrisay In ay Shaaciso Xogaha Ku Saabsan Xanuunka Covid-19

DODOMA(HALBEEG)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa dowladda Tanzania ka codsatay in ay si daahfuran u soo bandhigto xogta ku saabsan xanuunka Covid-19 ee dalkeeda iyo tallaabooyinka ay arrinkaas ka qaadday.
Madaxa hay’adda WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Tanzania aysan ilaa iyo iminka baahinin xogta ay ka hayso faafitaanka xanuunka Covid-19 ee dalkeeda.
Tedros ayaa dowladda Tanzania ka codsaday in ay la wadaagto xogta xaaladda xanuunka Cronavirus ee dalkaas.
Dowladda Tanzania ayaa lagu xasuustaa in billowgii xanuunka ay iska dhega-tirtay jiritaan xanuunka sidoo kalena uu madaxweynaha dalkaas John Magafuli uu shacabka dalkiisa ugu baaqay in ay isku dabiibaan dawo dhaqameedka arrintaas oo ay dunidu si weyn u dhaleecaysay.
WHO ayaa sidoo kale Tanzania ugu baaqday in ay u hoggaansanto tallaabooyinka lagu xakameynayo xanuunka Covid-19.
Post Views:
16