(Paris) 11 Okt 2021. Ciyaaryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Georginio Wijnaldum, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay inuu u dhaqaaqo naadga PSG, maadaama uusan fursado badan uu ku ciyaaro ka helin macalinka reer Argantina ee Mauricio Pochettino xilligan.

Wijnaldum ayaa heshiis xor ah ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, isagoo albaabka ka xirtay Barcelona, ​​oo si weyn loola xiriirinaayay inuu ku biirayo, kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskiisa Liverpool.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay Georginio Wijnaldum, wuxuuna yiri:

“Ma dhihi karo waxaan si buuxda ugu faraxsanahay Paris sababtoo ah ma jecli xaaladda aan ku noolahay.”

“Tani waa kubadda cagta waana inaan bartaa qaabka loola dhaqmo sida ay tahay, waxaan ahay qof dagaalamaya waana inaan noqdaa qof wanaagsan, oo aan sameeyaa inta aan awoodo waqtiyada soo socda, si aan xaaladeyda kooxda u badelo.”

“Wax badan ayaan ciyaari jiray sanadihii la soo dhaafay, mar walbana waxaan ku jiray qaabka ugu fiican, soo laabashadayduna waxay ahayd mid wanaagsan, hadda xaaladda way ka duwan tahay waxayna qaadan doontaa waqti in aan la qabsado.”

“Runtii aad ayaan u sugayay marxaladdan cusub ee xirfadeyda ah, markii aan imid waxaa dhacay wixii dhacay, runtii waa wax dhib badan.”

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US