(Yurub) 11 Juun 2021. Xiddiga khadka dhexe Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa wuxuu daaha ka qaaday sababta uu u go’aansaday inuu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain, xilli lala xiriirinayay naadiga Barcelona.

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday saxiixa Georginio Wijnaldum oo ay qaab xor ah kula wareegeen maadaama oo uu dhammaadka bishan heshiiskiisii naadiga Liverpool uu dhacayo.

Xiddiga reer Holland ayaa soo dhammaystay shan sano uu kusoo qaatay kooxda Liverpool oo uu kaga soo biiray sanadkii 2016 Newcastle United, Georginio ayaa taariikh la sameeyay mudadaas Reds isaga oo koobab waaweyn lasoo hantay.

Haddaba Georginio Wijnaldum ayaa kaddib heshiiska cusub uu u saxiixay kooxda Paris Saint-Germain, wuuu shaaca ka qaaday sababta uu isaga diiday ku biirista Barcelona, wuxuuna yiri:

“Paris Saint-Germain waxay cadeysay sanadihii la soo dhaafay sida ay u fiican tahay waxaana hubaa in koox ahaan iyo taageerayaal ahaanba aan horumar iyo wax badan ku guuleysan karno.”

“U saxiixida Paris Saint-Germain waa tijaabo cusub, waxaan ku biiray mid ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub waxaanan doonayaa inaan ku soo bandhigo wax walba aan doonayo mashruucan himilada leh.”

“Marka uu ciyaartoy ka guuro koox isla markaana uu u wareego koox kale, wuxuu doonayaa inuu ku biiro koox isku heer ah ama ka fiican, PSG waa koox isku duuban oo wada jir ah oo leh tababare wanaagsan, waxaana dhihi karaa dhamaan waxyaabihii aan ka arkay kooxdan waa kuwo wanaagsan.”

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay ahmiyad weyn siisay saxiixa Georginio Wijnaldum tan iyo xagaagii lasoo dhaafay, laakiin waxay u muuqataa hubanti la’aanta mustaqbalka Ronald Koeman inay tahay mida ku kaliftay Georginio inuu doorto Paris Saint-Germain.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US