Kooxda Arsenal ayaa diwaan gashatay xog liidata kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda Wolves horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulmay Wolves iyaga oo jooga garoonkooda Emirates kulan ka tirsanaa todobaadkii 10-aad ee horyaalka premier League.

Shabakada Opta ayaa sheegtay in ay Arsenal ku fashilantay in ay shabaqeeda ilaashato 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay garoonkeeda.

Rikoodhkaas ayaa ah midkii ugu dheeraa ee ay Arsenal samayso marka laga hadlayo ilaalinta shabaqeeda tan ilaa 2007 markaas oo ay 9 kulan shabaqooda ilaashan waayeen.

Dhanka kale Arsenal ayaa heshay kaliya 13 dhibcood oo ay ka heshay 10 kulan premier League xilli ciyaareedkan waana dhibcihii ugu yaraa ee ay kooxdu hesho premier League marxaladan oo kale tan ilaa xilli ciyaareedkii 1981/1982.

Ugu dambayn kulanka ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee ay Wolves guuldaro dhabarka u saarto Arsenal muddo 41 sano ka hor.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US