XASAASI: Saacado Ka Hor Kulanka Super Cup-ka, Lionel Messi Oo Seegay Tababarka Barcelona.

Wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday in uu shaki ku jiro ciyaarista kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kulanka Real Sociedad Semi-final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka.
Kooxda Barcelona ayaa caawa 11 habeenimo ee wakhtiga geeska Africa la ciyaari doonta kooxda Sociedad kulan muhiim u ah kooxda Barcelona.
Wargayska ayaa sheegaya in uuna Lionel Messi ka qayb qaadan tababarka buuxa ee kooxda ka hor kulanka Sociedad.
Arintan ayaa wal-wal ku haysa kooxda Barcelona marka loo eego in uu xiddigu qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay.
Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.