Xiddigii dhawaan dhintay una soo ciyaaray Akademiyada kooxda Man City ee Jeremy Wisten ayaa lagu soo waramayaa in uu Isagu Is dal-dalay iyada oo kooxda Man City sabab u tahay.

Xiddiga 17 jirka ah ayaa ku soo biiray Akademiyada Man City sanadkii 2016 Waxana uu ku riyoonayay in uu u soo dalaco kooxda 1-aad ee Man City.

Laakiin wakhti wakhtiyada ka mid ah ayuu Jeremy Wisten helay war uuna marna ku farxin taas oo sabab u ahayd is dal-dalka xiddiga Sida uu sheegay wargayska The Sun.

Arintaas ayaa ah in ay kooxda Man City si lama filaan ah u Kansashay heshiiskii uu kula jiray kooxda taas oo si weyn u niyad jabisay.

Xiddiga ayaa dareemay in ay dhimatay riyadiisii ahayd in uu u ciyaaro kooxda Man City taas oo keentay in uu gacantiisa isku dilo.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US