(Liverpool) 18 Luulyo 2021. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahan aan hal daqiiqo u ciyaarin Liverpool ayaa isaga tagaya kooxdaas, waxaana la sii ogaaday naadiga uu ku sii jeedo haatan oo uu ku biiri doono.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Ben Davies ayaa qarka u saaran inuu isaga tago garoonka Anfield si uu uga mid noqdo Naadiga Sheffield United sida warbixinta lagu sheegay.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay in Daafaca Liverpool ee Ben Davies uu isaga tagi doon kooxda xagaagan isagoo aan hal daqiiqo u ciyaarin kooxda koowaad.

Liverpool sign Ben Davies from Preston | Premier league

Davies wuxuu ahaa saxiix ku yimid xaalad deg deg ah bishii Janaayo, kana soo dhaqaaqay Preston sababo la xiriira dhaawacyada Liverpool, laakiin hadda waxa uu ka tagi doonaa Reds, isagoo doonaya inuu amaah ugu ciyaaro Kooxda Sheffield United.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US