Xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Claude Makelele ayaa ka hadlay ku biiristii Blues kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid.

Kadib sanado Claude Makelele ayaa la hadlay Shabakada FourFourTwo isaga oo sheegay in uu ogolaaday in uu ku biiro Chelsea inkasta oo uu xiiso ka helay Man United.

“Waxa aan arkay sida ay arimuhu u socdeen Real Madrid”ayuu yidhi.

“Waxa aan u sheegay Chelsea in hadii aan ka tagi doono Stamford Bridge, waxa aan u qaaday balan”.

“Waxa ay u sameeyeen wax walba si ay iila soo saxiixdaan, waxana aan jirayy 30 sano wakhtigaas laakiin waxa ay iga bixiyeen lacag badan”.

“Waxa aan doortay chelsea sababta oo ah iyaga ayaa iga dalab iga soo hor gudbiyay kooxda Man United ayaa wakhti dambe ila soo xidhiidhay laakiin waxa aan u sheegay in aan ku biirayo Chelsea”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US