Waxa ugu muhiimsan ee kubada cagta loo ciyaaro ayaa ah ku guulaysiga koobab waxana jira xiddigo si fudud ugu guulaysta koobka koox walba oo ay ku biiraan.

Daafaca reer Brazil ee Dani Alves ayaa ah xiddiga koobabka ugu badan ku guulaystay taariikhda kubada cagta tan ilaa markii uu bilaabay kubada cagta.

Dani Alvaes ayaa ku guulaystay 42 koob isaga oo ah xiddiga koobabka ugu badan ku guulaystay taariikhda kubada cagta.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Andres Iniesta kaas oo ku guulaystay 37 koob waxa la bar-baro ah xiddiga Maxwell isaga oo ku guulaystay 37 koob.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Halyeeyga Man United ee Ryan Giggs ayaa ku wada guulaystay min 36 koob iyaga oo ku jira kaalinta 3-aad.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Kenny Dalglish ayaa ku guulaystay 34 koob waxana ku xiga Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique isaga oo ku guulaystay 34 koob waxana la mid ah Vítor Baía kaas oo ku guulaystay 34 koob.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay 33 koob isaga oo la bar-baro ah Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi.

  1. Dani Alves: 42 koob
  2. Andres Iniesta: 37
  3. Maxwell: 37
  4. Lionel Messi: 36
  5. Ryan Giggs: 36
  6. Kenny Dalglish: 35
  7. Gerard Pique: 34
  8. Vítor Baía: 34
  9. Cristiano Ronaldo: 33
  10. Xavi: 33

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US