(Madrid) 10 Juun 2021. Safka xulka qaranka Spain ayaa baaritaankii xalay ay mareen lagu caddeeyay inaysan soo kordhin kiisas cusub oo Korona Fayras ah, balse waxaa cabsi badan dhaliyay markii maalmihii lasoo dhaafay xanuunkan laga helay Sergio Busquets iyo Diego Llorente.

Sidaas darteed, xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa xulka Spain u kordhiyay muddada uu u heysto inuu safkiisa ka baddelo xiddigaha ay dhaawacyada daran soo gaaraan ama uu aafeeyo xanuunka Korona, waxaana la gaarsiiyay illaa maalinta Isniinta ee toddobaadka dame oo ah maalinta ay ciyaarayaan kulanka koowaad ee tartanka Euro 2021.

Inkastoo ay wali socdaan baaritaannada maalinlaha ah ee la xiriira Koofid19, haddana xiddigaha xulka La Roja ayaa si gaar-gaar ah u sameynaya tababarka iyadoo tijaabadii ugu dambeysay ee shalay mareen lagu sheegay inaysan jirin kiisas cusub oo xanuunkan la xiriira.

Si kastaba ha ahaatee, xulka Spain ayaa xaalad walwal ah galay kaddib markii xanuunkan laga helay labo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan xulka xilli ay maalmo faro ku tiris ah ay ka harsan yihiin marka ay ciyaarta koowaad la ciyaarayaan Sweden.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US