CONAKRY(HALBEEG)-Xukuumadda Guinea ayaa ka digtay in la farageliyo natiijada doorashada madaxtinnimo ee dalkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay xukuumadda ayaa looga digay warbaahinta dalkaas, ururrada bulshada, hay’adaha diblomaasiyadda in ay farageliyaan natiijada doorashada iyada oo ciddii ka hor dhacda hay’adaha rasmiga ahina la horkeeni doono caddaaladda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in natiijada looga dambeyn doono guddiga qaran ee doorashooyinka iyo maxkamadda dastuuriga ee dalkaas.

Doorashada madaxtinnimada ee maanta dalkaasi ka dhacaysa ayay ku loollami doonaan madaxweynaha haatan haya talada dalkaas Alpha Conde iyo 11 musharrax oo kale.


Post Views:
27

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US