Zinedine Zidane ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada uu Raphael Varane uga tagi karo Real Madrid mustaqbalka dhow kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in daafaca dhexe lala xiriirinayo kooxda Man United.

Red Devils ayaa lala xidhiidhinayay daafaca dhexe muddo dheer iyada oo kooxdu xiiso weyn u qabto xiddiga reer France.

United ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Varane xagaaga dambe laakiin Zidane ayaa uga digay in uuna daafacu iib ahayn.

Daafaca Varane ayaa xiddig laf dhabar u ah kooxda Real Madrid isaga oo xilli ciyaareedkan u ciyaaray 10 kulan tartamada.

“Anigu ma ihi qofka doonaya in uu sii joogo”ayuu Zidane.

“Waa xiddig ka mid ah kooxda, Nasiib ayaan ku leenahay in uu nala joogo”.

“Waxa uu leeyahay xirfad weyn, waxana uu ku guulaystay koobab badan sidaas darteed ma ahan xiddig la iibin karo”ayuu sii raaciyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US